16 Eedeysane oo loo haystay inay Haweeney Diplomaasi ah ku weerareen magaalladda Nairobi ayaa la sii daayey, kadib markii loo waayey cadeymo .
Dacwad ogayaasha ayaa maxakamadda uu sheegeen in kooxda baarista aysan helin cadeymo eedeysanayaashani la xiriirinaya dambigaasi .
Eedeysanayaashani ayaa lagu sii daayey qodobka 87 A ee xeerka habraaca dambiyada taasoo macneheedu yahay hadii sarkaalka baarista uu helo cadeymo cusub in mar kale dib loo soo xiri karo dhamaan eedeysanayaashani .
16 Eedeysane ayaa lagu hayey saldhiga booliska 17 maalmood si baaritaanada loo soo dhameystiro .
Weerarka haweeneydani ayaa dhacay taarikhda marka ay aheyd 4-tii bisha March ee sanadkani kadib markii gaarigii ay wadatay uu ku dhacay daraawal mooto ka xeynayey .
Wasir Peter Munya ayaa dhanka kale ugu baaqay siyaasinta in ay joojiyaan siyaasadeynta qiimaha bacriminta ee kordhay.