Antonio Guterres oo sheegay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa  mar kale daboolka ka qaaday  in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

Also Read
Dowladda Qatar oo shaacisay lacagta ay ku bixineyso dib u dhiska Gaza.

Mr Antonio Guterres ayaa ugu baaqay  beesha caalamka in Qaramada Midoobay  ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.

Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in  la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu  yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.

Also Read
Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga oo xilalkii laga qaaday .

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen  inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul.

  

Latest posts

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Liberia oo lagu xukumo labo sano oo xarig ah

Iftiin FM Reporter

Qarax ka dhacay degmada Kaaraan .

Iftiin FM Reporter

Dooroshooyin ka dhacayaan Magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi