Arsenal Vs Norwich City.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Norwich City kulan ka tirsan todobaadkii 32-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Emirates Staduim.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo kalsooni buuxa kadib markii ay laba kulan oo xidhiidh ag guul gaadheen tartamada oo dhan ishana ku haya in ay sii wadaan guulaha.

Dhanka kale kooxda Norwich City ayaa kulanka soo galaya iyaga oo qaab ciyaareed xun ku jira una dagaalamaya sidii ay u sii joogi lahaayeen horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe

Kulanka: Arsenal Vs Norwich City

Also Read
Kooxaha Premier League Oo Go’aan Ka Gaadhay Xeerka 5-ta Badal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa laga badiyay Kaliya Hal kulan oo ka mid ah sideedii kulan ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaareen Norwich City, Guuldaradaas ayaana ahayd kulankii ugu horeeyay ee Premier League 15 bihsii August xilli ciyaareedkii 1992 markaas oo ay Norwich City guul soo laabasho leh oo 4/2 ah ka gaadhay Arsenal.

Also Read
Qiimaha suuqa ee xiddiga Erling Haaland oo koru u kacday .

Norwich City ayaa kaliya hal kulan shabaqa ilaashatay 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la kulmaan Arsenal (31 gool ayaa laga dhaliyay) Iyada oo kulankaas ahaa guushoodii 1/0 ahayd ee ay gaashay bishii October 2012.

Also Read
Madaxweynaha Horyaalka La Liga oo ka hadlay xiddiga Mohamed Salah.

Kulankaan wuxuu noqon doonaa kulanka ugu horeeya ee Arsenal iyo Norwich ee tartan rasmi ah oo la ciyaaro bisha July.

Kooxda Arsenal ayaan guuldaro Kala kulmin 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay la ciyaartay kooxaha soo dalacay iyada oo ay ugu dambaysay guuldaradii ka soo gaadhay kooxaha West Brom Iyo Newcastle xilli ciyaareedkii 2010/2011.

  

Latest posts

Kooxda Borussia Dortmund oo dooneysa xiddig ka tirsan Chelsea.

Iftiin FM Reporter

Kooxda Liverpool oo ka hadashay Robert Lewandowski.

Iftiin FM Reporter

SAWIRRO: Liverpool oo garaacday AC Milan.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi