Aurelien Tchouameni ayaa daboolka ka qaaday asxaabtiisa kooxda Monaco inuu doonayo inuu u saxiixo Real Madrid xagaagan sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.
Xiddiga khadka dhexe ayaa la sheegayaa in uu ku wajahayn yahay kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Tchouameni ayaa bartilmaameed u ah Real Madrid iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga reer France ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay kooxda Liverpool kuwaas oo si aad ah u dononayay saxiixiisa.
Laakiin xiddiga Tchouameni ayaa saaxibadiisa Monaco u sheegay in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Tchouameni ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Real Madrid kuwaas oo haatan u baahan in ay Monaco kala heshiiso qiimaha xiddiga.