Kooxda Barcelona oo ku dhacday wadadii Real , waxaana guul daro ay ka soo gaartay kooxga Getafe .
: ka dib ciyaar maamulkeeda Barcelona ay ku badneyd , waxa ay labada koox ee Barca iyo Cetafe nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal .
Barca kaliya waxaa ka maqnaa gool xilli kooxda Gatefa ay ku jireen daafac waxa ayna ahaayaan kuwo aad u foojigan xilli heerka kubad hayashada Barca ay gaareysay %70 .
Barca waxaa ku adkaa dhameystirka inkastoo waddo waliba ay u mareen in ay helaan goolka hore
Qeybta labaad , Barca dhaqaaqa iyo maamulka kubadda iyaga ayaa hayay balse waxaa loo diiday meel ay kubadda marsiiyaan xilli kooxda Getafe ay ku tiirsanaayeen kubadhaa rogaal celiska ah .
Getafe oo mararaka qaar tagayay aagga goosha Barca wax ayna heleen rigoore uu gool u turjumay Jaime Mata daqiiqadii 56-aad .
Ka dib goolkaas Barca , dhab waliba iyaga ayaa kubadda haystay balse habeenkii Barca ma aheyn oo meel ay u maraan ayay waayaan goosha xilli Messi isku dayo ala duwan uu sameeyay waxaana hor taagnaa daafac iyo goolhayaha.
ma jirrin wax laga qoro ciyaarta oo hal dhinac ayay aheyd oo Barcelona iyaga ayaa maamulay ciyaarta , waxaana lagu dilayay rogaal celis xilli ciyaarta ay ku dhamaatay halkaas gool