Bayern Munich oo uu dhaqaaqday saxiixa Paul Pogba

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay liiska kooxaha doonaya in ay heshiis la gaaraan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba xagaagan.

Xiddiga ku guulaystay koobka adduunka ayaa raadinaya koox uu ku biiro xilli uu heshiiskiisa Man Uited dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Also Read
Barcelona oo guul daro ay soo gaartay .

Xiddiga reer France ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yuurb ah kuwaas oo doonaya in ay qaab xor ah ku helaan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man United.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Bayern Munich ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Also Read
Kooxda Manchester United oo dalab ka gudbisay Kalidou Koulibaly.
Also Read
Kooxda chelsea oo wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga Robert Lewandowski.

Bayern ayaa xiddiga reer France u aragta mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxda xilli ciyaareedka dambe si ay ugu tartanto koobabka kala duwan ee uu ugu weynyahay champions league.

  

Latest posts

Aurelien Tchouameni Oo Asxaabtiisa Monaco U Sheegay Kooxda Uu Ku Biirayo

Iftiin FM Reporter

Premier League Oo Ogolaaday Iibka Chelsea

Iftiin FM Reporter

Barcelona & Bayern Munich oo ku dagaalamya xiddiga Lewandowski

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi