Beeralayda kafeega ee degmada Trans Nzoia oo baaq loo diray

Beeralayda kafeega ee degmada Trans Nzoia ayaa lagu booriyay inay qaataan barnaamijka dhijitaalka ah ee ah E-subsidy si ay kor ugu qaadaan wax soo saarkooda.

 

Iyadoo ka hadlaysay intii lagu guda jiray qaybinta bacriminta kafeega ee beeralayda Kiminini ee Trans Nzoia, wasiirka beeraha ee isamamulka trans nzoia Mary Nzomo ayaa sheegtay in hindisahan uu beeralayda ka badbaadin doono khasaaraha joogtada ah iyo in ay agabka ku helaan qiimo jaban si kor loogu qaado wax soo saarka.

Also Read
Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo kala saxiixday heshiisyo ganacsi
Also Read
Dowladda Kenya oo dhiseysa bakhaara weyn oo lagu keydiyo dalaga beeraha.

Nzomo ayaa sheegtay in waaxdu ay muddo dheer gacanta ku hayeen shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ka faa’iidaysta beeralayda iyagoo siinaya mushahar yar.

Waxa ay sheegtay in maamulka gobolka uu ku tala jiro in kor loo qaado dhulka wax soo saarka kafeega oo hadda ah 2,500 oo hektar lagana dhigi doono 10,000 oo hektar sanadka 2023, waxayna ku boorisay beeralayda in ay qaataan tignoolajiyada si kor loogu qaado wax soo saarka iyo tayada bunka.

  

Latest posts

Dawladda oo bilawday hannaan Waaxda Cashuuraha Kenya ee KRA loogu beddelayo Waaxda Adeegga Cashuuraha ee Kenya.

Iftiin FM Reporter

Ganacsatada kalluunka oo taageero ka helay dowladda

Beeraleyda shaaha oo  heli doonaan lacagahooda gunooyinka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi