Wasirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa daboolka ka qaaday in beeraleyda shaaha ay sanadkani heli doonaan 1.2 bilyaan oo shilin oo lacagaha gunooyinka ah .
Wasirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya oo xariga ka jaray wershadda shaaha ee Ndarugu koonfurta Gatundu ayaa sheegay in beeraleyda ay bisha June ee sanadkani heli doonaan dhamaan lacagaha guunooyinka ah oo lagu abaal marinayo kadib markii waaxda caleenta shaaha ay horumar ku tallaabsatay .
Wasir Peter Munya ayaa carabka ku dhuftay in dagaalka ka socdo Ukraine uu saameeyey caleenta shaaha oo kenya ay uu dhoofiso dalkaasi .
Wasir Peter Munya ayaa dhanka kale ugu baaqay siyaasinta in ay joojiyaan siyaasadeynta qiimaha bacriminta ee kordhay.