Booliska oo gacanta ku soo dhigay gaari laga xaday dowladda

Cidamada booliska ee deegaanka Bungoma ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen gaari ay dowladda Lee dahay islamarkana loo qoondeeyey xafiiska sanduuqa horumarinta deegaan barlamaaneedka Kimilili.

Gaarigani ay dowladda lee dahay ayaa laga soo qaaday hoyga xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Kimilili Didmus Barasa.

Gaarigani oo nambarkiisa diiwaangelinta uu ahaa  GK 944J  ayaa loo baddalay numbarka diiwaangelinat ee  KBS 709D sida uu sheegay taliyaha booliska ee Ismaamulka Bungoma Dr. Musyoki Mutungi.

Taliyaha booliska ee Ismaamulka Bungoma Dr. Musyoki Mutungi ayaa sheegay in gaarigani  oo lagu sharxay kaalarka xisbiga UDA islamarkana uu xildhibaanka doonayey in uu ololahiisa siyaasadeed uu adeegsado .

Dr. Musyoki Mutungi  ayaa sida oo kale sheegay in arrintani ay la wareegeen saraakiisha waaxda danbi baarista ee dalka DCI-da si baaritaano loogu sameeyo

Gaarigani ayaa hadda lagu hayo saldhiga booliska ee Kimilili 

  

Latest posts

Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo baaq u diray kenyanka

Iftiin FM Reporter

Dowladda oo sheegtay in Wadada Expressway ay ku kordhin doonto qalabyo horleh oo looga hortagaayo shilaalka wadooyinka

Iftiin FM Reporter

Shil ka dhacay wadada Nairobi Expressway ee Caasimadda tan Nairobi

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi