Burnley Vs Liverpool

Naadiga Liverpool ayaa rajo wacan ka qabta inay kusoo laabato boosaska afarta sare ee horyaalka Ingiriiska kulanka ay caawa booqaneyso naadiga Burnley kulanka 37-aad ee Premier League.
Cayaarta ayaa waxa ay bilaabaneysa 10:15 oo habeenimo ee sacada geeska Afrika.
Naadiga martida loo yahay ayaa hubisay inay baaqi kusii ahaan doonto horyaalka Ingiriiska fasal ciyaareedka soo aaddan iyadoo haatan ka korreysa 11 dhibcood kooxaha ku jira boosaska loogu laabto horyaalka heerka labaad.
Naadiga uu hoggaamiyo macallin Jurgen Klopp ayaa heysata fursad ay kusoo geli karto booska afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League haddii ay caawa adkaato maadaama ay 66 dhibcood la yeelan doonto kooxda Leicester City oo haatan booska afaraad ku jirta, waxayna Liverpool booska afaraad ku geli doontaa faqriga goolasha.
Goolhaye Nick Pope ayaa usoo laabanaya naadiga Burnley isagoo dhaawac yar ku seegay kulankii ay kooxdiisa guuldarrada kala kulantay naadiga Leeds United.
Robbie Brady ayaa ciyaartan dhaawac ku seegaya, sidoo kale Phil Bardsley, Dale Stephens iyo Kevin Long oo qaliinno kala duwan maray ayaanan diyaar u ahayn kulankan.
Geesta kale, Liverpool ayaa dib u heleysa xiddigeeda khadka dhexe ee Alex Oxlade-Chamberlain kaasoo kabsaday xanuun uu garoommada kaga maqnaa, halka James Milner xaaladdiisa wali la qiimeynayo.

  

Latest posts

Tababare Roberto Martinez oo ka hadlay wararka la xiririnaya Shaqada Barcelona.

Iftiin FM Reporter

 Barcelona oo radaineysa Anthony Martial.

Iftiin FM Reporter

Xiddig ka tagaya Kooxda Man United.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi