Chelsea Vs Aston Villa

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee premier League kulan ka dhici doona Stamford Bridge.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay la galeen Liverpool ka hor fasaxii xulalka.

Dhanka kale Aston Villa oo garaacday chelsea kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii ayaa doonaya in ay mar kale ka yaabsadaan Chelsea.

Also Read
Kooxda Juventus oo xiiseynayso saxiixa daafaca Atletico Madrid ee Savic.

Kulanka: Chelsea Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 19:30

Garoonka: Stamford Bridage

XAQIIQOOYINK KULANKA:

Haddii Chelsea badiso waxay noqon Doontaa Kooxda labaad ee gaartaa 600 guul oo Premier League ah, ka dib Manchester United (689).

Also Read
Kooxda kubadda cagta ee Napoli oo ka hadashay xaaladda Kalidou Koulibaly

Romelu Lukaku ayaa shabaqa soo taabtay shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo uu ka horyimid Aston Villa, isagoo guud ahaan dhaliyay lix gool, Xiddiga reer Belguim ayaa raadinaya goolkisiii ugu horeeyay ee Stamford Bridge.

Aston Villa ayaa badisay kulankoodii ugu dambeeyay ee Premier League ee ay la ciyaareen Chelsea, iyagoo ku badiyay 2-1 maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedkii hore laakiin Blues kama badin 2 kulan oo xidhiidh ah tan ilaa October 1993.

Also Read
Tababare Ronald Koeman oo soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hortagi doono Real Madrid.

Danny Ings ayaa ku lug lahaa sideed gool sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay Premier League uu ku soo bilowday (lix gool iyo labo caawin).

  

Latest posts

Sergi Barjuan oo loo magaacabay xilka tababarnimo ee Kooxda Barcelona.

Iftiin FM Reporter

Shaun Wright-Phillips oo fariin uu diray Raheem Sterling.

Iftiin FM Reporter

Osasuna oo taako uu dhigtay kooxda Real Madrid.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi