Chelsea Vs Southampton.

Kooxda  Chelsea ayaa manta la ciyaareysay   kooxda Southampton  garoonka  Stamford Bridge galabta oo Sabti ah kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League, kaddib markii laga soo laabtay ciyaaraha heerka caalami.

Labadaan kooxood ayaa kaliya waxaa u dhexeysa farqi hal dhibic ah kaddib afar kulan oo la ciyaaray horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 17 Okt 2020

Also Read
Kulanka: Tottenham Vs Man United.

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 05:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Robert Jones (England)

Wararka Kooxaha:-

Ciyaaryahanka Chelsea ee Ben Chilwell ayaa taam ah inkastoo uu ka soo laga soo saaray waajibaadka xulka England, laakiin Edouard Mendy ayaa maqnaanaya kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray bowdada intii lagu guda jiray tababarka xulkiisa Senegal.

Also Read
DEG DEG: Isku aadka Copa Del Rey.

Thiago Silva ayaa la nasin doonaa, halka Christian Pulisic iyo Hakim Ziyech ay labadoodaba ciyaari karaan, iyadoo kan dambe ee Ziyech ah illaa daqiiqadda ugu dambeysa go’aan laga gaari doono haddii uu dheeli karayo.

hinaca kale Theo Walcott ayaa safan kara kulankiisii ugu horreeyey ee Southampton tan iyo sanadkii 2006 kaddib markii uu kooxda heshiis amaah ah ugu soo biiray.

Also Read
Dani Ceballo oo qaarka uu saarmay in uu feero Eddie Nketiah

Saxiixa kale ee cusub Ibrahima Diallo ayaa isaguna diyaar u ah inuu safto kulankiisii ugu horreeyey ee Southampton.

Moussa Djenepo iyo Mohammed Salisu ayaa labaduba maqnaan doona, halka Stuart Armstrong la tix gelin doono kaddib markii uu ka soo laabtay xaalad karaantiil ah oo uu ku jiray maadaama laga helay Korona Fayras.

 

  

Latest posts

Tababare Roberto Martinez oo ka hadlay wararka la xiririnaya Shaqada Barcelona.

Iftiin FM Reporter

 Barcelona oo radaineysa Anthony Martial.

Iftiin FM Reporter

Xiddig ka tagaya Kooxda Man United.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi