Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay sheegtay in tirida ragga uu ku dhacaya cudurka Corona ay maalin kasta sara uu sii kacdo .
Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in kiisaska cusub ee COVID -19 ee maanta la helay oo gaarayaan 727 qof ay 539 yihin rag halka 188 ay yihin dumar .
Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa carabka ku adkeeyey in rag badan aysan uu hoggansamin amarrada iyo talaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka .
Wasir Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dumarka ay uu hoggansamaan talaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Corona oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee dalka .
Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sida oo kale sheegay in cudurka Corona uu ku badan yahay caasimadda Nairobi .
Wasirka wuxuu ugu baaqay dadka kunool countiga nairobi in ay joojiyaan safarada ay ku tagaan tullooyinka fog fog madaam ay cudurkani sii faafin karaan
Dhanka kale Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in cudurka Corona uu galay ama ku faafay dhamaan ismaamulada kala duwan ee dalka .
Wasirka ayaa ugu baaqay dowladaha countiyada in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan la tacaalidda cudurka Corana.