Dad lagu eedeeyay cunista iyo ka ganacsiga Hilibka Dadka

Booliska gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “cunista hilibka bani’aadamka” iyo ka ganacsigiisa.

Dhacdadan naadirka ah ayaa taliyaha booliska ee gobolka Ayuba Elkanah wuxuu ku sheegay in tuhmanayaasha la soo qabtay kaddib markii ay baarayaashu heleen meydka qaar ka mid ah dad la’laa oo qaybo ka mid ah jirkooda laga saaray.

Also Read
Qaxooti isugu jira Soomaali iyo ajaanib kale oo ku xayiran xadka Bosnia iyo Croatia.

Eedeysanayaasha oo ay ku jiraan labo nin iyo labo wiil ayaa la xiray todobaadkii hore, sida uu sheegay Taliyaha Booliska, waxaana sidoo kale la baadi goobayaa rag kale.

Also Read
falal kufsi ah oo ka dhaceen gobolka Tigray.

Taliyaha booliisku wuxuu sheegay in ilaa hadda baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in lacag dhan Shan boqol (oo u dhiganta $1,207) ay ku iibin jireen xubnaha bini’aadamka.

Also Read
Howlgal laga sameeyey Xaafadaha Degmadda Beled-xaawo ee gobolka Gedo

Ku lug lahaanshaha iibinta xubnaha bani’aadamka iyo cunista hilibka maaha wax ku cusub gobolka Zamfara. Balse waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka la xirriira afduubka si ay madax-furasho uga qaataan dadka.

  

Latest posts

RW Xamse Cabdi Bare oo la kulmay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.

Iftiin FM Reporter

Wasir Abshir Cumar oo la kulmay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Iftiin FM Reporter

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo booqday degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi