Dagaal ka dhacay tuulo ku taalo Samburu.

Mid ka mid ah saraakiisha ilaalisa  keymaha ayaa la soo sheegay in la toogtay kadib markii tuulada Parkati Kitiole oo ku taalo waqooyiga samburu uu dagaal xoogan ku dhaxmaray xoolo dhaqato  hubeysan oo ka kala soo jeedaan qowmiyadaha Samburu iyo Turkana .

Taliyaha booliska ee Ismaamulka Samburu  Samson Ogello oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkani uu dhacay sacadda marka ay aheyd 4.30pm maalintii shaleyto  kadib markii  dad xoola dhaqato oo hubeysan ay isku qabsadeen xuquuqda daaqa  taasi  oo halkaasi ka abuurtay dagaal xoogan oo sarkaalkaasi uu  ku dhintay .

Taliye Samson Ogello  ayaa sida oo kale sheegay in cabsi ballaraan ay ka jirto tuuladaasi madaam qaar ka mid ah  ay inta badan isku dhacaan dadka xoola dhaqatada .

Dad badan oo xoolo dhaqato ah ayaa la soo sheegaya in ay xoolahooda ula guuraan goobaha  ay biyo  iyo daaq  ugu heli karaan madaam ay halkaasi ay abaar xoogan ka jirto.

Taliyaha booliska ee Ismaamulka Samburu  Samson Ogello ayaa sheegay in goobta dagaalka uu ka dhacay laga helay 35 xabo oo rasaas ah.

Taliyaha ayaa ugu baaqaya siyaasinta  iyo madaxda in ay bilaabaan dadaalada lagu mideynaya dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool  ismaamulkaasi Samburu .  

  

Latest posts

Prof. Sam Ongeri oo uu tartamaya kursiga barasaabka ee Ismaamulka Kisii

Iftiin FM Reporter

Musalia Mudavadi oo baaq uu diray Kenyanka

Iftiin FM Reporter

Baarlamaanka Mandera oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi