Dagaalyahanada Kooxda Alshabab ayaa la soo sheegaya in ay weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan, iyadoona ciidanka Jabuuti ay dhankooda Madaafiic kale ku jawaabeen.
Shacabka kunool degmada Buula burde ayaa waxay warbaahinta uu sheegeen in madaafiicdii xalay ay cabsi ku abuurtay, balse ma jirto khasaare soo gaaray dadka deegaanka.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgalo ka wado degmada Buula burde, iyagoona ku baadi goobaya raggii ka dambeeyay weerarka.
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burde iyo Beledweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana inta badan degmooyinkaasi ka dhaca dagaal toos ah oo dhex mara ciidamada Jabuuti iyo kuwa Al-Shabaab.