Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadashay taliska booliska Somaliland

Taliyeyaasha Booliska Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka  ku yeeshay magaalo xuduudeedka Jawaale gaar ahaan dhanka Somailand.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xasan,ayuu kulankoodu ka mid yahay iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dawladood iyo isku xidhka ammaanka labada dal.
Kulankan labada Taliye Yeesheen ayaa ka qabsoomay dhinaca xuduuda Somaliland
Geesta kale waxa kulankaas Taliyaasha ku wehelinaayey Safiirka Dawaladda Itoobiya u fadhiya Somaliland.
Labada Taliye ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta Nabadgalyada iyo iskaashiga labada Dawladood ee Dhinaca Ammaanka
Taliyaha Boolisku wuxuu soo kormeeray mashuura beeraha banka wajaale ee ciidanka booliska oo dalagyo badani ciidanka uga soo go’een,dalagyadaas oo wax badan ta tari doona dhanka isku filnaanshaha raashinka ee ciidanka booliska Somaliland
  

Latest posts

RW Xamse Cabdi Bare oo la kulmay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.

Iftiin FM Reporter

Wasir Abshir Cumar oo la kulmay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Iftiin FM Reporter

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo booqday degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi