Dawladda ayaa sheegtay in ay ku hawlan tahay samaynta cusbitaal heer caalami ah oo neerfayaasha maskaxda ah

Dawladda ayaa sheegtay in ay ku  hawlan tahay samaynta cusbitaal heer caalami ah oo neerfayaasha maskaxda ah taas oo qayb ka ah dadaallada socda ee wax looga qabanayo caqabadaha caafimaadka dhimirka ee dalka.

Arrintan ayaa shaaca laga qaaday shalay mar ay wadahadal yesheen  Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Kamel Ghribi oo ah guddoomiyaha Isbitaalada GKSD- oo ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ugu sarreeya dalka Talyaaniga.

Also Read
Golaha Barasabyada oo ku dhawaaqay go'aan lagu horumarinaya tayada adeegyada caafimaadka

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in caafimaadka dhimirka uu yahay caqabad ku soo korortay Kenya iyo gobolka, taasoo abuuraysa baahi degdeg ah oo loo qabo isbitaal takhasus leh oo wax ka qabta xaaladaha sii kordhaya.

Also Read
Xildhibaankii hore ee deegaan barlamaanka Garsen Danson Mungatan oo xabsiga la dhigay

Madaxweynaha ayaa ku  dhawaaqay in dhismaha cusbitaalka oo qaadi doono  600  oo sariir uu bilaaban doono badhtamaha bisha soo socota iyada oo laga dhisayo dhul dhan 80 hektar oo ku yaala deegaanka Karen/Ngong.

Ghribi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in hay’adiisa ay si buuxda  uga go’an tahay in ay taageerto Kenya si ay u gaadho hadafkeeda ah in ay bixiso adeegyo caafimaad oo  dhimir oo tayo leh oo  qqiimo jaban kuwaasi oo ay ka faideysan donaan muwaadiniinteeda iyo  bukaanada kale ee  gobolka.

Also Read
Barasabka Nyamira oo manta geeriyooday .

Ka sokow daawaynta la siinayo bukaannada caafimaadka dhimirka, cisbitaalka, wuxuu sidoo kale martigelin doonaa jaamacad takhasus leh si ay u tababarto shaqaalaha caafimaadka dhimirka.

  

Latest posts

Booliska oo gacanta ku soo dhigay gaari laga xaday dowladda

Iftiin FM Reporter

Dowladda oo howlgal hub ka dhigis ah ka sameyn doonto galbeedka Marakwet

Iftiin FM Reporter

Raila Odinga oo la kulmay dadka Curyaaminta ee dalka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi