Dawladda ayaa bilawday hannaan Waaxda Cashuuraha Kenya ee KRA loogu beddelayo Waaxda Adeegga Cashuuraha ee Kenya.
Iyadoo loo marayo sharci horey u yaalay baarlamaanka, dowladda ayaa soo jeedisay in wax laga beddelo xeerka canshuuraha ee 1995 iyo ereyga Hay’adda Dakhliga Kenya.
Dawladda ayaa sheegtay in beddelka magaca loogu talo galay in dib loogu sugo hay’adda si ay wax uga beddesho sumcadeeda guud iyo sidii kor loogu qaadi lahaa u hoggaansanaanta cashuuraha iyada oo la wanaajinayo xidhiidhka dadweynaha iyo in si cad isha loogu hayo baahiyaha iyo xuquuqaha cashuur bixiyaha.
Hindise sharciyeedka ayaa sidoo kale loogu talagalay in la tirtiro erayada Wasiir iyo Xoghaye Joogtada ah laguna badalo Xoghayaha Golaha Wasiirada iyo Xoghaye Maamule iyadoo la raacayo shuruudaha Dastuurka