DEG DEG: Baarlamaanka Kuwait oo la kala diray

Dawladda Kuwait ayaa kala dirtay Golaha Baarlamaanka ee dalkaas, waxaana dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait uu ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey dawladda dalkaas ka arrimisa.

Also Read
Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho

Khudbad uu ka jeediyey Telefiishanka dawladda ayuu Sheekh Meshal Al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka Kuwait ee awoodda badan siinaya Baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda.

Also Read
Trump oo ka hadlay Dilkii ninkii madowga ahaa George Floyd.

Golaha Wasiirada ee dalkaas ayaa laba bilood ka hor isku casilay ka dib khilaaf ka dhex curtay golaha Baarlamaanka, taasoo curyaamisay shaqadii dawladda.

In ka badan 12 xildhibaan oo reer Kuwait ah ayaa todobaadkii hore ka bilaabay gudaha Xarunta Baarlamaanka olole ay ku doonayaan in la soo dhiso xukuumad cusub, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed oo keenay dhaqaale xumo taabatay guud ahaan noloshii dalkaas.

  

Latest posts

Dowladda Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag lagu eedeyay falal Amni darro

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gaaray degmada Dhoobleey

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo diyaar uu ah in uu wadahadallo la galo Xisbiyada Mucaaradka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi