DEG DEG: Madaxweynaha Mareykanka oo Wiil Soomaali ah uu magacaabay la-taliye sare

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Xamse Warfaa oo ah wiil Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo la-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Xamse Warfaa ayaa hadda ahaa guddoomiye ku-xigeenka waaxda shaqaaleynta iyo horumarinta dhaqaalaha (DEED) ee gobolka Minnesota. Wiilkaan Soomaaliyeed ayaa hadda kadib kaalin weyn ka cayaari doona hor-marinta shaqada diblomaasiyadeed ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Also Read
R/Wasaare Rooble oo manta gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xamse waxa uu noqonayaa Soomaaligii ugu darajada sareeyey ee Madaxweyne Mareykan ah uu xil u magacaabo. 17-ka bishaan Janaayo ayaa la shaaciyey in Xamse uu ka tegayo shaqadii hore ee guddoomiye ku-xigeenka waaxda DEED.

Also Read
Hay'adda Hanti Dhowrka ee dalka Mareykanka oo lacag dhan 1.4 bilyan oo doollar u diray dad mar hore dhintay.

“Anigoo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne,” ayuu Xamse ku yiei qoraal ay baahisay waaxda DEED ee gobolka Minnesota.

Also Read
RW Rooble oo khadka kula hadlay dhigiisa Qatar.

Haatan Xamse waxuu si gaar ah ugu biirayaa xafiiska dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya Madaxweynaha Mareykanka go’aan ka gaaridda tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta.

 

  

Latest posts

Dowladda Sacuudiga oo Safiir Cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Askar ku eedeysan dil & Dhac oo maxakamadda la soo taagay .

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Biixi oo booqday dalka Itoobiiya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi