deg deg:Natiijada horudhaca ah ee wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha

Doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana wareega koowaad ee doorashada Maanta ku tartamay 33 Musharrax, iyada oo ay tartanka ka hareen ilaa 29 Musharax.

Ilaa 302 Xildhibaan oo katirsan Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan doorashada oo Maanta codkooda dhiibanayay, waxaana wareega labaad ee doorasha  u gudbay 4-ta Musharrax ee ugu codka badan, kuwaas oo kala ah

Also Read
Dagaal culus oo ka socdo degmada Beledxaawo.

1: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo Cod  59 Cod

2: Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland  oo helay  65 Cod

Also Read
Dawlada Findland ayaa doonaaysa inaay kubiirto Gaashaan buurta Nato.

3: Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo helay  47 Cod

4: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo helay  52 Cod

Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.

Siyaasiyiinta ugu caansan ee ka haray doorashada wareega labaad ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabduqaadir Cosoble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Also Read
Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay arrimaha doorashada16 kursi ee Ceelwaaq

Waxaa goordhow bilaabaneeysa wareega labaad ee doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku tartami doona Afarta Musharrax ee ugu codadka badan.

  

Latest posts

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in dalka ay kajirto Abaar daran

Iftiin FM Reporter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Iftiin FM Reporter

Maxaa loogu hadlay Shirka Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi