Howlgalo badbaadin ayaa ka socda deegaanka Membley ee ismaamulka Kiambu ka dib markii uu soo dumay dhismo labo dabaq ah, waxaana ku dhintay labo qof.
Guddoomiyaha amaanka ee Ismaamulka Kiambu Joshua Nkanatha ayaa sheegay in labada nin ee dhintay loo malaynayo inay biraha iskaraabka ka soo ururinayeen dhismahani oo qeyb ahaan la bur buriyey .
Dhismahani ayaa la sheegay inuu soo dumay abaaro 10:00 subaxnimo.
Waaxda qaran ee wadooyinka waaweyn KENHA ayaa horaan sheegtay in dhismahani la bur burin doono si halkaasi looga dhiso wadada weyn ee Eastern Bypass