Diyaarad siday dad daxiisayaal ah oo toos uga caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Mombasa.

Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Moi ismaamulka Mombasa ayaa waxaa manta soo caga dhigatay diyaaradii ugu horeysay  ee Lufthansa Group Carrier-Airbus A330 oo ay maamusho Euro Wings Discover.

Diyaaraddani ayaa  maalmaha axadda iyo khamiista ee toddobaad kasta soo caga dhigan doonto garoonka  caalamiga ah ee diyaaradaha Moi ismaamulka mombasa .

Also Read
Laba nin oo lagu edeyay In ay gaari xaaden ayaa Maanta laso taagay Maxkamada

Diyaaraddani Airbus A330 ayaa ka soo baxday dalka jarmaalka sida ay sheegayaan masuuliyiinta ee garoonkaasi .

Also Read
Guddiga IEBC-da oo ka hadashay Aftida qaranka.

Xoghayaha joogatada ee wasaaradda dalxiiska ee dalka Safina Kwekwe ayaa hogamineysay wafdigii dowladda ee soo dhaweeynta dadka rakaabka ahaa ee sarnaa diyaaraddaasi

Danjiraha Jarmaalka uu fadhiya dalkani Kenya  Ms. Annet Gunter ayaa  sheegtay in imaatinka diyaaraddani cusub ay tahay  dhacdo taariikhi ah oo  lagu sii xoojinaya  xiriirka wanaagsan ee laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Jarmalka.

  

Latest posts

Dowladda oo soo saartay barnamij xoolaha looga samatabixinaya abaaraha.

Iftiin FM Reporter

Waaxda dalxiiska ee dalka oo soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay dowladda Ingiriska .

Iftiin FM Reporter

Howlgal amni oo laga bilaabay Ismaamulka Mombasa.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi