Dowladda Belarus oo marti galineysa wada hadallo dhex mara Ukraine & Ruushka

Dowladda Belarus, ayaa  daboolka ka qaaday   iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

Also Read
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo hub ku wareejinayo dalka Belarus

Dowladda Ukraine ayaa  sida oo kale sheegtay  iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkani, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.

“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.

Also Read
Jubbaland oo eedeyn dusha ka saartay dowladda Soomaaliya.
Also Read
Xeerarka doorashooyinka dalka Somalia.

Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waxey bilaaban doonaan, isla marka dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”

  

Latest posts

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in dalka ay kajirto Abaar daran

Iftiin FM Reporter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Iftiin FM Reporter

Maxaa loogu hadlay Shirka Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi