Dowladda Kenya oo bilaawday olole ka dhan ah khamaarka iyo khamriga.

Guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Nyamira  Amos Mariba ayaa sheegay in  maalmaha inagu soo aadan ay dowladda  gudaha ismaamulkaasi ka bilaabi doonto  olole ka dhan ah  badeecooyinka  been abuurka ,khamriga sharci darada  iyo mashiinada khamaarka .

Guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Nyamira  Amos Mariba ayaa ugu baaqay  xubnaha shacabka  in ay  taageeraan ololahani la bilaabi doono islamarkana socon doonaan ku dhawaad 30 maalmood .

Guddoomiye Amos Mariba ayaa carabka ku dhuftay in saraaakiisha amaanka ay gacanta ku soo dhigeen mashiinada khamaarka  gudaha  tuulooyinka kala ah  Obwari, Keroka iyo  Karantini kadib howlgal ay halkaasi ka sameeyeen.

Guddoomiye Amos Mariba ayaa ugu danbeyntii sheegay in dhalinyaro badan  ay isticmaalaan daroogooyinka  taasi oo wax u dhimeyso  mustaqbaalkooda.

  

Latest posts

Dhismo ku bur buray deegaanka Membley ee ismaamulka Kiambu

Iftiin FM Reporter

Guddoomiye Maalim Mohammed oo digniin uu diray shacabka Ismaamulka Turkana

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne ku xigeenka dalka Dr. William Ruto oo ku baaqay in la mideeyo Kenyanka

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi