Dowladda Kenya ayaa ka shaqeyneysa sidii ay ku dhisi lahayd xaruma lagu keydiyo dalaga beeraha si looga hortago khasaaraha soo gaaraya beeraleyda dalka.
Wasiirka wasaarada beeraha ee dalka Peter Munya ayaa sheegay in dowladda ay kaashan doono daneeyayaasha waaxda beeraha si loo dhiso xarun lagu keydiyo.
Wasiirka wasaarada beeraha ee dalka Peter Munya ayaa sidoo kale sheegay in dawladda dardar gelinayso dhismaha bakhaaraha weyn ee lagu kaydiyo dalaga beeraha iyo warshad loogu talagalay baradhada kaasi oo laga dhisi doono ismaamulka Nakuru.
Wasiir Peter Munya ayaa xusay in tani ay gacan ka geysan doonto sidii loo xoojin lahaa taakuleynta beeraleyda gaar ahaan xiliyada ay suuq geeyan wax-soo-saarkooda.