Wasiiradda wasaaradda tamarta ee dalka Monica Juma ayaa tilmaantay in kabka shidaalka ee dawladdu aanu ahayn mid waara mustaqbalka fog.
Wasiiradda wasaaradda tamarta ee dalka Monica Juma ayaa sheegtay in isbeddellada dhaqaale ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah sida saameynta Covid-19, sicir-bararka iyo dagaalka Ukraine ay kor uu qaadeen qiimaha saliidda cayriin iyo badeecooyinkooda taasi oo saameysay miisaaniyadda qaranka ee dalka iyo heerka deynta.
Ms Monica Juma oo warbaahinta kula hadlay magaalada tan nairobi ayaa dhanka kale sheegtay in dowlada ay ku guuleysatay in qoysas badan ay helaan koronto joogta ah .
Ms Monica Juma ayaa sheegtay in hadda 6.2 milyaan oo qoyas la gaarsiyey korontada dalka.