Dowladda oo ka hadashay abaarta dalka ka jirto.

Dawladd ayaa uu xaqiijisay shacabka ee dalka in qofna uusan gaajo uu dhimaan doonin  abaarta dalka ka jirta awgeed.

Wasirka wasaaradda difaaca ee dalka  Eugene Wamalwa oo xariga ka jaray barnamijka qeybinta rashiinka gar gaarka ah ee degmada Tiaty ee ismaamulka baringo  ayaa carabka ku dhuftay in dowladda ay go’aan tahay caawinta qoysaska ay abaarta saameysay ee degmooyinka kala duwan ee dalka .

Wasirka wasaaradda difaaca ee dalka  Eugene Wamalwa ayaa sida oo kale sheegay in abaar xoogan ay ka jirto deegaanka Tiaty  halkaasi oo laga bilaabay qeybinta rashiinka .

Mr Eugene Wamalwa oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in xoghayaha joogtada ee waaxda barnamijyada khaaska ah  Micah Powon uu horkaci doono  kooxaha  rashiinka gar gaarka  ah ka qeybin doonaan  ismaamulada  kala ah Baringo , Turkana iyo samburu .

Wasirka wasaaradda difaaca ee dalka  Eugene Wamalwa ayaa ugu danbeyntii sheegay in cidamada militiriga ee dalka ay ka qeybqaadan doonaan  qeybinta biyaha  iyo mashaaricda lagu dhisaya biyo xireeno.

  

Latest posts

Dr.William Ruto oo ka hadlay horumarka uu gaarsiin doono ismaamulka Marsabit

Iftiin FM Reporter

Bandow lagu soo rogay ismaamulada Baringo, Elgeyo Marakwet and West Pokot.

Iftiin FM Reporter

Isbaheysiga Azimio la Umoja-One Kenya oo olole siyaasadeed ku qabtay gobolka Mount Kenya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi