Dowladda Sacuudi Carabiya oo markale soo saartay amar la xiriira masaajidyada

Hoggaamiyayaasha  dalka Sacuudi Carabiya ayaa  waxay mar kale ku adkeysanayaan  tallaabo ay ku  xakameynayaan  sameecadaha masaajidda oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

Wasaaradda arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa usbuucii la soo dhaafay   shaacisay  in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda.

Also Read
Militeriga dalka Indonesia oo ka hadlay Markab la weysanaa 3-maalmood.

Wasiirka arrimaha Diinta, Cabdulladhiif Al-Sheekh o warbaahinta la hadlay   ayaa sheegay   in tallaabadani ay jawaab u tahay cabashooyinka ka imanaya dadweynaha.

Also Read
Xalada dalka Itoobiya.

Haseyeeshee tallaabadani ayaa aad loogu dhalilsay baraha bulshada, waxaana markiiba billowday baaqyo lagu baahiyay intarneedka oo ah in la mamnuuco codadka dhaadheer ee muusigada ee ka shidan maqaaxiyadaha.

Also Read
Dowladda Eritrea oo sheegtay in ciidankeedu uu ka dagaalamay gobolka Tigray.

Cabdulladhiif Al-Sheekh, wasiirka arrimaha Diinta Sucuudiga ayaa sheegay in waalidiinta qaar ay ka cawdeen sameecadaha codka dheer ee hurdada ka kicinaya caruurtooda.

 

  

Latest posts

MD Farmajo oo joojiyey awoodaha RW Rooble.

Iftiin FM Reporter

Kooxda Taalibaan oo ka hadashay qaraxi kabul .

Iftiin FM Reporter

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kala hadlay Arrimaha doorashooyinka Beesha Caalamka.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi