Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida Madaxweynihii Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”

Also Read
Duufaanta Tsunami oo mar kale cagta marisay dalka jaziiradda yar ah ee dhaca badda Pacific-ga ee Tonga

“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Also Read
Gantaalo lala beegsaday dalka Ciraaq
Also Read
Xukumadda Ruushka oo digniin adag u diray wadamada gaashaanbuurta Nato.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

  

Latest posts

Booliska Uganda oo xabsiga dhigay Siyaasi Caan Ah

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Qoor qoor oo booqday xarumaha taliska ciidamada qalabka sida.

Iftiin FM Reporter

Shirka Midowga Afrika oo furmaya iyo dalal badan oo ka qeybgalaya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi