Dr. Fred Matiang’i :Dowladda waxay ka shaqeyneysa wanaajinta Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeyo booliska iyo shacabka.

Wasirka wasaaradda amniga gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeyo booliska  iyo shacabka  ku dhaqan degmada Rioma ee deeganka Konfurta Kitutu Chache.

Dr. Fred Matiang’i  oo horkacayo saraakiisha sar sare ee booliska ee  ismaamulada Nairobi iyo Kisii  ayaa sheegay in  dowladda ay ka go’aan tahay ka shaqeynta xoojinta xiriirka ka dhaxeeyo booliska iyo xubnaha shacabka .

Tan ayaa ku soo begmeysa  kadib markii askari ka tirsan saraakiisha booliska ee saldhiga Rioma uu togosho ku dilay labo qof oo ardey dhigta fasaalka lixaad uu ku jiro .

Dhowr qof oo dheeraad ah oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen toogoshada ay  halkaasi ka geysteen xilli ay dhaqangelinayeen amarrada wasaaradda caafimaadee kuadan xakameynta cudurka corona .

Wasirka wasaaradda amniga gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i  ayaa ugu baaqay xubnaha shacabka ee degmadaasi in ay dulqaad muujiyaan oo ay ka war sugaan baaritaanada  lagu sameynaya dhacdadaasi.

Wasirka wasaaradda amniga gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in dowladda ay lacag dhan boqol kun oo shilin ay ku deeqi doonto qoysaska ay saameynta xoogan ka soo gaartay arrintaasi .

  

Latest posts

Tiro Bukaana ah oo Maanta uu dhintay Cudurka Covid-19

Iftiin FM Reporter

Dr. William Ruto oo sheegay in uu diyaar uu yahay la shaqeynta Madaxwynaha .

Iftiin FM Reporter

Martha Koome oo sheegtay in kenyanka ay heli doonaan cadaalad buuxda .

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi