Dr Fred Matiangi oo ka hadlay ganacsiga Qaadka .

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay diyaarisay koox cusub oo ka shaqeysa horumarinta iibka khaadka  ee gudaha iyo dibadda.

Wasiirka arrimaha guddaha ee dalka Dr Fred Matiangi’I ayaa sheegay in Kooxda cusub oo ka kooban  saraakil ka tirsan wasaaradaha dowladda ee ay khuseyso iyo dowladda ismaamulka  Meru ay sidoo kale ka shaqeyn doonan xallinta dhibaatada suuqa ka jirta.

Wasiirka oo Maanta  ka hadlayay furitaanka Shirka qaran ee  khaadka  ee Sayniska,  ayaa ballan qaaday inuu ka qaybgelin doono Hay’adda Qaran ee Ololaha Ka-hortagga Khamriga iyo Ku Xad-gudubka Maandooriyaha (NACADA) si suuq  fiican loogu heelo khaadka.

Dhanka kale Wasiirka  Wasaarada  beeraha Peter Munya ayaa ku booriyay beeralayda iyo ganacsatada in ay kor uu qadaan Wax soo saarka khaadka isla Markana ay hal abuurnimo la yimadaan.

Barasaabka ismaamulka Meru Kiraitu Murungi ayaa sheegay in shirkan uu socon doono muddo labo maalmood ah  isla Markana lagu xoojin doono cadeymaha cilmi baarista ee saameynta uu khaadka  ku leedahay fayo-qabka caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha ugu dambeyntiina ay gacan ka geysan doonaan  sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan waaxdan muddada dheer.

  

Latest posts

Prof. Sam Ongeri oo uu tartamaya kursiga barasaabka ee Ismaamulka Kisii

Iftiin FM Reporter

Musalia Mudavadi oo baaq uu diray Kenyanka

Iftiin FM Reporter

Baarlamaanka Mandera oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi