Musharaxa Madaxweyne ee isbaheysiga kenya kwanza William Ruto ayaa Maanta ololahiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Kajiado si uu shacabka uga iibiyo ajeendahiisa siyaasadeed.
Madaxweyne kuuxgeenka oo shacab kula hadlay guddaha magaalada kajiado ayaa sheegay in maciisha qaaliga ah uu sabaabay heshiiskii dhexmaray Raila odinga iyo madaxweynaha dalka Uhuru kenyatta.
Dhanka kale hogaamiyaha Xisbiga Anc musalia mudavadi ayaa shacabka Luhya-da ee kunool Kajiado ugu baaqay in ay uu codeyaan isbaheysiga kenya kwanza oo uu sheegay in uu soo dhisi doono dowladda xigta.