falal kufsi ah oo ka dhaceen gobolka Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa mar kale waxay sheegtay in ay heshay macluumaadyo badan oo kusabsan  falal kufsi ah  oo  ka dhaceen deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Tigray.

Wakilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan falalka kufsiga ah ee ka dhaca deegaanada ay khilaafaadku hareeyaan Pramila Patten ayaa maalintii shaleyto sheegtay  in ay helayaan akhbaaraad laga naxo oo la xiriira kufsi kuwaasoo meelaha qaar in dad isku hal qoys ah lagu qasbay in ay isku galmoodaan.

Also Read
Dab ka kacay Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ee ku yaalla magaalada Capetown 
Also Read
Mr Filippo Grandi oo baaq uu diray dowladda Itoobiya .

Pramila Pattern ayaa  dowladda itoobiya ugu baaqday in ay hay’adaha Qaramada Midoobay  ay uu ogolato in ay  gudaha u galaan gobolka Tigray gaar ahaan xeryaha dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ay ku jiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku guuleystey abaalmarinta Nabadda sanadkii 2019 ayaa ku dhowaaqay horaantii bishii November ee sanadkii hore howlgalo milatari oo lagu qaado jabhada Tigray si looga jawaabo weerar lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada federalka ku lahaayeen gobolka Tigray.

Also Read
Dad badan oo ka dhinteen dalka Tanzania.

 

  

Latest posts

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb galay Salaadda Janaasada Taliyehii Boliiska Gobolka Banaadir

Iftiin FM Reporter

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay xoojin doonta taageerada Ciidanka dalka Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi oo Muddo kordhin loo sameeyay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi