Fanaaniin laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargaysa ee Somaliland ay maanta amartray in la sii daayo fanaaniin mudo ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay warbixintan fanaaniintan ayaa kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali kuwaas oo mudo Labo bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla, magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaaliland, kadib markii maxkamaddu ay ku wayday wax dambi ah.

Also Read
Dowladda Indonesia oo sharci adag ku soo rogtay dugsiyada dalkaasi.

Xariga fanaaniintan ayaa kia dambeeyay safar ay ku yimaadeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, si ay ugu qabtaan badhig faneedyo iyo heeso ay ku qaadeen Muqdisho.

Si kastaba, Labada fanaan ayaa sii dayntooda ka dib waxa ay la hadleenwarbaahinta, iyagoo u mahadceliyay maxkamadda oo dib u fartay in la siiyo xoriyaddooda iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.

Also Read
Weerar ka dhacay dalka Niger.

Marar badan ayaa sidan oo kale waxaa magaalada Hargaysa loogu xiray, dad magac ku dhex leh bulshada Soomaaliland oo ka soo jeeda isla deegaanna Soomaaliland, kadib markii ay safaro kala duwan ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Also Read
Dowladda Itoobiya oo ka hadashay xiriirka ay la leedahay Mareykanka.

Sido kale sii daynta fanaaniintan ayaa waxa ay qayb ka tahay heshiisyadii dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ku wada galeen shirkii ka dhacay magaalada Jabuuti, kaas oo ahaa in aan la carqaladeyn isku socodka arrimaha bulshada sida waxbarashada, ciyaaraha, fanka,caafimaadka iwm.

 

 

  

Latest posts

Sudan iyo Itoobiya oo heshiiyay

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socda QM

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi