Farxad uu soo hoyatay Shacabka Xaafada Mukuru kwa Njenga

Shacabka Xaafada isku raranka ah ee Mukuru kwa Njenga ayaan xaafadaasi laga saari doonin Kadib markii ay Dowladda heshiis la gaartay Milkiilaha dhulka ay shacabka kunool yihiin.

Sadax Wasiir oo katirsan xukuumada ayaa heshiis la gaaray shirkada iska leh dhulkaasi oo lagu magacaabo Orbit Chemicals.

Heshiiska ayaa Waxaa kamid ah in shacabka loo daayo dhulka ayy hada dagan yihiin oo cabirkiisu uu dhan yahay 95.2 acre isla Markana la siiyo warqadaha lahaanshiyaha.

Wasiirka amniga guddaha Dr Fred Mati’angi,Wasiirka dhulka Farida Karoney  iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Kihara Kariuki ayaa sidoo kale kula heshiiyay agaasimayaasha shirkadda gaarka loo leeyahay in la dardargeliyo joogtaynta lahaanshaha iyo bixinta warqadaha lahaanshaha mulkiilayaasha dhismaha.

Sida uu dhigayo heshiiska, dowladda ayaa dhaafi doontaa dhammaan canshuuraha ku dhaw malaayiinta shilin waxayna bixin doontaa adeegyo sahamin bilaash ah iyadoo mudnaanta gaar ah siinayo si loo fududeeyo wareejinta lahaanshaha dhulka.

  

Latest posts

Barasaabka Ismaamulka Tana River oo mar kale baaq xoogan uu diray Dowladda dhexe ee dalka

Iftiin FM Reporter

Madaxda Muslimiinta oo taageero uu muujiyeen Raila Odinga

Iftiin FM Reporter

Iskuulada galbeedka Lamu oo dib loo furaya

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi