Gabriel Jesus oo kala doortay Arsenal iyo Tottenham

Steve McManaman ayaa sheegay in Gabriel Jesus uu ku biiri doono Arsenal xagaagan marka loo bar-bar dhigo kooxaha Tottenham iyo chelsea.

Halyeeyga Liverpool ayaa sheegay in ogaanshaha ah in uu noqon doono xiddiga 1-aad ee weerarka in ay saamayn ku yeelan doonto go’aanka Jesus.

Also Read
Arsenal oo Oo wacdarro ka dhigaysa suuqa kala iibsiga xiddigaha

Jesus ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man City xagaagan si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

McManaman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Gabriel Jesus waxa uu dooran doonaa ku biirista Arsenal sababta oo ah waxa uu noqon doonaa hogaamiyaha kooxda ee weerarka”.

Also Read
Arsenal oo guul daro weyn gaartay

“Wan ogahay in ay Tottenham iyo chelsea champions League ka ciyaari doonaan laakiin ogaansho uu ogyahay in uu todobaad walba ciyaari doono ayaa keenaysa in uu doorto Arsenal”ayuu sii raaciyay.

Also Read
Barcelona oo garaacday Getafe.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga Gabriel Jesus iyada oo Gunners doonayso in ay ku xoojiso weerarka xiddiga reer Brazil.

  

Latest posts

Xiddigaka tirsan kooxda PSG oo doortay shaxdiisa ugu fiican ee 5-ta xiddig ah

Iftiin FM Reporter

Hakim Ziyech oo ku biiraya Kooxda AC Milan

Iftiin FM Reporter

Milkiilaha kooxda chelsea ee Todd Boehly oo la kulmay Wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi