Ganacsatada dalka Kenya oo loogu baaqay in ay xooga saaran ka gancsiga kalluunka

Dadka ismaamulka Meru ayaa loogu baaqay in ay bilaaban ka gancsiga kalluunka si ay u ballaariyaan cunista kalluunka iyo nafaqeynta dadweynaha.

Sarkaalka kalluumeysiga uu qaabilsan ismaamulka Meru Patrick Mbaabu ayaa sheegay in maamulka dowladda ismaamulka Meru uu door biday in ay soo bandhigaan ka ganacsiga kalluunka.

Patrick Mbaabu ayaa sidoo kale sheegay in maamulayaasha dugsiyada ay ku dhiirigelin doonan in xarumaha waxbarashada laga kariyo kalluunka.

Madaxa kalluumeysiga ee ismaamulka Meru, Patrick Mbaabu ayaa hadalka ka jeediyay Nchiru ee ismaamulkasi.

Patrick Mbaabu ayaa ugu baaqay shacabka ismaamulka Meru in ay bilaabaan ka ganacsiga kalluunka si ay u horumariyaan dhaqaalaha magaalada Meru.

Patrick Mbaabu ayaa xusay in kalluunka laga heli karo dhaqaala badan halka galleyda iyo digirta dhaqanka ay u baahan yihiin fiiro gaar ah si dhaqaala looga helo. 

  

Latest posts

Kenya Airways oo bilaabi doonto duulimaadyo xamuul ah oo magaalada Kisumu iyo Imaaraadka Carabta

Iftiin FM Reporter

Dekedda Mombasa oo laga dhoofin doono badeecooyinka Bariga Afrika

Iftiin FM Reporter

Suuqa weyn ee Gikomba ee caasimadda Nairobi oo xiisad ka taagan

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi