Dowladda ismaamulka Nakuru ayaa sheegtay in ganacsatada kalluunka ee hareeraha wadada isku xirta Nairobi iyo Nakuru ay uu qeybin doonto qaboojiyayaal si wax looga qabto tayada iyo badqabka badeecaddaasi.
Dowladda Ismaamulkaasi ayaa sida oo kale sheegtay in dhismaha suuqa kalluunka ee ku teedsan wadada weyn uu dhamaan doono bisha December ee sanadkan.
Tan ayaa ku soo aadeysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay sheegtay in kalluunka lagu iibinayo hareeraha wadada aysan uu wanagsaneyn dadka .
Dhanka kale barasaabka Ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa ugu ballanqaaday ganacstada kalluunka in xal laga gaarayo dhibaatooyinka haysta.
Ganacsatada ayaa dhankooda difaacay tayada kalluunka lagu iibiyo wadada weyn oo ay ku sheegeen mid aan sameynin caafimaadka dadka isticmaalo