Gantaalo lala beegsaday dalka Ciraaq

Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa la so sheegaya in ay ku habsadeen magaalada Irbil ee caasimadda u ah gobolka Kurdish ee waqooyiga dalkaas, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Also Read
Dad ku dhintay weerar ka dhacay dalka Tanzania .

Saraakliisha  gobolka ayaa  carabka ku dhuftay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray iyo bartilmaameedkooda.

Also Read
Maxakamad ku amartay shirkadda shidaalka Shell inay magdhow siiso dad beeraley ah.

Irbil waxaa ku yaalla saldhig ay leeyihiin militeriga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.

Also Read
RW Rooble oo tagay Xafiiskiisa

Mas’uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan.

  

Latest posts

Sudan iyo Itoobiya oo heshiiyay

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socda QM

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi