Gary Neville ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uusan beddeli doono Harry Maguire oo ah kabtanka Manchester United inkastoo uu si qiiro leh ugu soo laabtay kooxda toddobaadkan.
Ronaldo Oo 36 jir ah ayaa toddobaadkani dib ugu soo laabtay Kooxda Man United kadib 12 sano oo uu ka maqnaa kooxda waxana uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah.
Xiddiga reer Portugal ayaa Halyeey ka ah Man United waxana uu kula guulaystay koobab badan ka hor intii uuna ka tagin kooxda.
Laakiin Inkasta oo uu khibrad fiican leeyahay waliba yahay Hogaamiye Neviila ayaa sheegay in aan Ronaldo Laga dhigin kabtanka Man United.
“Waan yaabi doonaa hadii Maguire lagaq aado kabtanimada”ayuu u sheegay Sky Sport.