Golaha Barasabyada ayaa go’aamiyay in la kordhiyo qandaraaska Adeegyada Qalabka Maareeynta ee MES si loo hubiyo in adeegyada caafimaadka aanay curyaamin ama aan la joojin.
Guddoomiyaha Guddiga Caafimaadka ee Golaha barasabyada Professor Anyang Nyong’o oo maanta saxaafada kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in kordhinta MES ay noqon doonto seddex sano oo kale, maadaama qandaraaskii hoore ee 7-da sano uu ku dhow yahay in uu dhammaado.
Prof. Nyong’o ayaa intaa ku daray in qandaraaska uu dhigayo in sadax sano oo kale lagu dari karo marka uu qandaraaska hadda jiro uu dhamaado.
Nyong’o oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in golaha baraasabyada iyo wasaaradda caafimaadka ay soo diyaarin donaan nuxurka qandaraaska isla maarkan ay dib u eegis ku sameeyn donaan miisaaniyada si wax looga qabto arrimaha sinaanta Misaaniyada ee go’aamin doona qandaraas kordhinta saddexda sano ah.