Golaha Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Ergeyga cusub ee loo soo magacaabay Soomaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay si buuxda uu soo dhaweeyeen  Tallaabadii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama  kaasi oo noqonaya mid uu qabilsaan  Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya.

Also Read
Doorosho ka dhici doonto Galmudug

Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay carabka ku adkeeyeen in ay si buuxda ula shaqeynayaan  Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub.

Sidoo kale Golaha ayaa u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa.

Also Read
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo sheegay in la xoojinaya howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay si dhab ah uga walaacsan yihiin muhiimada uu leeyahay xilkaan Qaran ee uu hayo Babatunde Taiwo iyo tuhunka ay ka qabaan, iyagoo soo jeediyey in laga bedelo.

Also Read
Dowladda Soomaliya oo baaq uu dirtay taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa  toddobaadkani  madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

 

  

Latest posts

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb galay Salaadda Janaasada Taliyehii Boliiska Gobolka Banaadir

Iftiin FM Reporter

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay xoojin doonta taageerada Ciidanka dalka Soomaaliya

Iftiin FM Reporter

Madaxweyne Muuse Biixi oo Muddo kordhin loo sameeyay

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi