Golaha Wasiirada Soomaliya oo manta ka hadleen xaaladda gobolka Gedo.

Waxaa  manta shirkii golaha wasiirada soomaliya diiradda lagu saaray ciidamada ay dowladda federaalka Soomaliya   gaysay gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee ku teedsan xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ka soo baxaya shirkaasi ayaa Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in  ciidamadaas ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xuduudda, gaar ahaan aagga magaalooyinka Mandheera iyo Beledxaawo oo ay kala joogaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Also Read
Taliyaha Booliska Somaliland oo afka Furtay kana hadlay Arrin la yaab leh

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale  carabka ku dhufteen n aaggaas ay jabhado abaabulan ay weerarro qorshaysan ka geystaan, inkasta oo weli aysan jirin dhacdooyin si madax-banaan loo soo xaqiijiyey oo halkaas ka dhacay, kuwaasi oo ay fuliyeen jabhadda ay sheegtay dowladda.

Also Read
Wadamada Holand iyo Belgium oo joojiyeen duulimaadyada uga imaanaya dalka UK.

Kulankii maanta ee golaha wasiirrada waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid yihiin Amniga Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyo xuduudaha dalka, Kaalinta IGAD ee xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale waxaa lagu dhageystay warbixinno la xiriira socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha ee deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Also Read
Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxii lala eegaty ciyaartoyda.

  

Latest posts

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in dalka ay kajirto Abaar daran

Iftiin FM Reporter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Iftiin FM Reporter

Maxaa loogu hadlay Shirka Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi