Sharciga Soomaaliya wuxuu dhigayaa in madaxweynaha la dhaariyo isla marka la doorto. Balse, muddada caleemo-saarka waxay ku xiran tahay go’aanka madaxweynaha markaas talada wareejinaya, isaga ayaa go’aan ka gaara laguna sharfaa.
Haddii aan taariikhda dib ugu noqonno Shariif Sheekh Axmed wuxuu 2012 xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud labo toddobaad kaddib markii uu doorashada uga guuleystay.
Xasan Sheekh Maxamuudba toddobaad kaddib markii doorashada looga adkaaday ayuu xilka ku wareejiyay madaxweynihii beddelay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dalalka kale ee caalamka waxay leeyihiin shuruuc iyo xeerar u degsan oo ay ugu talagaleen kala guurka iyo xil kala wareegsiga. Laga yaabee inay Soomaaliya qorshaha ku darsato arrintaas marka la diyaarinayo doorasho qof iyo cod ah.