Guddiga Adeegga Macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in laso xulay macalimiinta bilaabaya tababarka barnaamijka Manhajka Ku-saleysan Kartida ka hor xilliga kala guurka dugsiga hoose ee sanadka soo socda.
Isagoo ka hadlayay maalintii koobaad ee shirka sanadlaha ah ee ururka madaxda dugsiyada sare ee Kenya ee 45-aad ee KESSHA ee ka socda magaalada Mombasa ayaa gudoomiyaha ururka Alfred Indimuli waxa uu ku celceliyay in ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in si habsami leh ay caruurta ugu gudbaan dugsiyada sare.
Indimuli ayaa sido kale xusay in shirkan oo socon doona muddo toddobaad ah, isla markana ay ku dadaali doonaan sidii ay u heli lahaayeen habab ay shirka ku kenaan daneeyayaasha waxbarashada muhiimka ah si ay gacan uga geystaan maalgelinta iyo maaraynta caqabadaha dugsiyada .
Shirka oo halku-dhiggiisu yahay ; “Dib-u-eegista mustaqbalkayaga “, ayaa isu keenay sagaal kun oo macalimiin ah, bandhigayaal iyo marti caalami ah.