Guddiga billada Nobel-ka ee Norway oo baaq uu diray ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Guddiga billada Nobel-ka ee Norway ayaa  mar kale  ku biiray wadamada caalamka ee ugu baaqaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socday dalkaas.

Bayaankani ayaa lagu sheegay in  Abiy Axmed  oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay  billadda  abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Also Read
Dowladda Iran oo eedeymo uu soo jeedisay xukuumadda Yahuuda.

Hal sano uun ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

Also Read
Soomali badan ayaa ku guulo waaweyn ka gaareen doroshada dalka mareykanka ka dhacday

Dagaalkaas ayaa malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dowladda ayaa lagu eedeeyaa in ay hor istaagto gargaarka bini aadantinnimada, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyada qaybtaka ah dagaalkaas.

Also Read
Cudurka Corona oo ku faafay Soomaliya

Afhayeenka Mr Abiy, Billene Seyoum ayaa horay u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aysan ahayn “ma aha xakame ku qabanaya marka dalka la soo weeraro”

\

  

Latest posts

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Liberia oo lagu xukumo labo sano oo xarig ah

Iftiin FM Reporter

Qarax ka dhacay degmada Kaaraan .

Iftiin FM Reporter

Dooroshooyin ka dhacayaan Magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi