Guddiga isku Dhafka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ugu baaqay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha in ay usoo gudbiyaan Musharax kaste halka qof ee codadka u tirinaya doorashada berri ka dhici doonto teendhada Afisiyooni.
Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.
Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda
Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.