Guddiga IEBC-da oo baaq uu diray Musharaxiinta xilka Madaxweyne

Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa sheegay in uu magacyada musharaxiinta madaxweyne uu u gudbin doono hay’adaha dowladda ee uu qabilsaan arrimaha la xariira cutubka lixaad ee Hogaaminta iyo Daacadnimada

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Wafula Chebukati oo Xarunta Bomas of Kenya kula kulmay musharaxiinta madaxweyne  ayaa sheegay in magacyada musharaxiinta loo gudbin doono guddiga anshaxa iyo la dagalaanka ee musuqa maasuqa ee dalka  iyo xafiiska agaasimaha guud ee waaxda danbi oogista ee dalka si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo ka hor inta aan loo ogolaanin inay kursiga madaxweyne uu tartamaan .

Guddoomiye Wafula Chebukati ayaa sida oo kale sheegay in diiwaangelinta musharaxiinta madaxweyne ay dhici doonto inta uu dhaxeyso 29 bisha May ilaa 6-da bisha June  ee sanadkani .

Guddoomiye Wafula Chebukati ayaa carabka ku dhuftay in musharaxiinta laga doonayo inay soo gudbiyaan liiska  taageerayaasha ugu yaraan 2000 oo codbixiyeyaal ah oo ka diiwaangashan mid kasta oo ka mid ah gobollada intooda badan, oo ay la socdaan nuqullo ka mid ah dukumeentigooda aqoonsiga.

Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa sheegay in kow iyo tobonka ah musharaxiinta kursiga madaxweynaha laga mamnuucay in ay kursigaasi uu tartamaan  kadib markii ay soo gudbin waayeen magacyada shaqsiyaadka ku xigeenka uu noqon lahaayeen 

  

Latest posts

Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo baaq u diray kenyanka

Iftiin FM Reporter

Dowladda oo sheegtay in Wadada Expressway ay ku kordhin doonto qalabyo horleh oo looga hortagaayo shilaalka wadooyinka

Iftiin FM Reporter

Shil ka dhacay wadada Nairobi Expressway ee Caasimadda tan Nairobi

Iftiin FM Reporter

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Kubali Soma Zaidi